Madaxweyne Farmaajo oo Isbadal ku sameeyay taliyaal katirsan Ciidanka Milatariga

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa isbadal ku sameeyay taliska ciidanka milatariga Soomaaliya gaar ahaan taliye kuxigeenka iyo sidoo kale taliyaha ciidanka Dhulka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Taliye ku-xiggeenka ciidanka Xoogga u magacaabay Jeneraal Cabaas Amiin Cali oo horay u ahaa Taliyaha Ciidanka dhulka sidoo kale Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS ayaa loo magacaabay Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi.

Wareegtada kasoo baxday Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale Taliye ku-xiggeenka Ciidanka Dhulka loogu magacaabay Jeneraal. Xuseen Xoosh, saraakiishan ayaana horey uga tirsanaa taliska ciidanka milatariga.

Munaasabad maanta ka dhacday xarunta Wasaarada Gaashaandhiga ayeyna xililkooda kula wareegeen taliye kuxigeenka ciidanka milatariga Soomaaliya iyo sidoo kale taliyaha ciidanka dhulka ee milatariga.

Isbadalkan lagu sameeyay taliska Milatariga Soomaaliya qaarkood ayaa kusoo aadaya xili kala guur ah, waxa ay sidoo kale kusoo aaday xili Madaxtooyada lagu eedeeyay in taliska milatariga ka dhax bilowday eex iyo qabyaalad lana beegsanayo saraakiil gaar ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -