RW Rooble oo hoygiisa ku qaabilay qaar ka mid ah Madaxda Dowlad Goboleedyada (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo hooygiisa ku qaabilay Madaxweyneyaasha Dawladda Goboleedyada Jubbalanad iyo Hirshabeelle ayaa kala hadlay xoojinta xiriirka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, si loo sii ambaaqaado qorsheyaasha horumarinta dalka iyo dib u dhiska dowladnimada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la wadaagay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada ee uu la kulmay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo midnimada iyo wadajirka, iyadoo wax kasta laga hormarinayo danta guud.

Dhankooda, Madaxweyneyaasha Dowladda Goboleedyada, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan iyo Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa ugu hambalyeeyey Ra’iisul Wasaaraha xilkan cusub, waxa ayna ku booriyeen in uu soo dhiso Xukuumad tayo leh oo ka tarjumeysa hiigsiga shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa la kulmay siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ay iska xogwareysteen xaaladda amni iyo siyaasadeed ee dalka, isaga oo u muujiyey sida uu ugu furfuran yahay dhammaan aragtida kala duwan ee siyaasadeed.

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhammaan mas’uuliyiintan uu la kulmay waxa uu ka dhageystay talooyinka iyo tusaalooyinkooda ku aaddan horumarinta dalka, xoojinta dowladnimada iyo hirgelinta qorsheyaasha hor-tabinta u leh Shacabka Soomaaliyeed, waxa ayna dhankooda ku bogaadiyeen Ra’iisul Wasaaraha sida ay ugu go’an tahay in dalkeennu uu sameeyo horumarka dhinac kasta leh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -