Ra’isul Wasaaraha Magacaaban oo codsi u diray Xildhibaanada Golaha Shacabka

Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee aan weli helin codka kalsoonida Xildhibaanada Golaha Shacabka Eng. Maxamed Xuseen Rooble, ayaa xalay kulan la qaatay Gudoonka Golaha Shacabka .

Maxamed Xuseen Rooble ayaana ka codsaday Gudoonka golaha shacabka in ay ka caawiyaan sidii uu u heli lahaa codka kalsoonida golaha shacabka si Xukuumadiisa shaqo badan u qabato mudada yar ee u harsan.

Waxa uu sidoo kale Ra’isul Wasaaraha magacaaban ka codsaday Xildhibaanada golaha shacabka in codka kalsoonida siiyaan, waxa uuna xusay in uu rajeenayo in Xildhibaanada siin doonaan codka kalsoonida.

”Waxaa farxad ii ah in aan idinla wadaago, in aan si sharaf iyo dareen masuuliyadeed leh aan u aqbalay kalsoonida uu isiiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iiguna magacaabay Xilka Ra’iisul Wasaaranimo ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, sidaas daraadeed, waxaan doonayaa in aan codka kalsoonida waydiisto Golaha Shacabka, aniga oo rajaynaya in ay isiin doonaan codka kalsoonida, si aan u guto waajibaadkayga.” ayuu yiri R/Wasaare Rooble.
Ra”isul Wasaaraha magacaaban ayaa la filayaa in maalinta Isniinta ah la horgeeyo Xildhibaanada golaha shacabka si codka kalsoonida u siiyaan ama ugu diidaan, waxaana socda dadaalo Madaxtooyada ku raadinayo in Xildhibaanada kalsoonida ku siiyaan Rooble.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -