(Sawirro) Muxuu Madaxweyne Saciid Deni kala hadlay xubnaha Puntland ku metela DF?

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Qado Sharaf u sameeyay Mudaneyaasha Puntland ku metala Labada Aqal ee Baarlamaanka DFS.

Kulanka oo ka dhacay hoyga Madaxweynuhu ka deganyahay Muqdisho ayaa waxaa uu ahaa is xogwareysi ku saabsan guud ahaan Soomaaliya iyo marxaladda dalku marayo.

Deni ayaa kala hadlay xubnaha uu la kulmay qodobo kala duwan oo khuseeya xaalada siyaasada ee Somalia iyo waxyaabihii ku soo kordhay, gaar ahaan heshiiskii DF iyo dowlad goboleedyadu ka gaareen nidaamka doorasho ee dalka ka dhici doonta.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdiga uu horkacayo oo maalmahan Muqdisho u joogay shirka madaxda DF iyo DG ayaa la filayaa iney beri dib ugu laabtaan magaalada Garoowe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -