Dowlad goboleed ka soo horjeestay sharciga Saxaafada ee uu saxiixay Farmaajo

Maamulka Puntland ayaa ka hor timid Xeerka Warbaahinta Soomaaliya ee maanta la dhaqan geliyay ka dib markii uu saxiixay madaxweynaha Somalia.

Wasiirka Wasaaradda warfaafinta Maamulka Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi ayaa sheegay in Puntland ay ka soo hor jeedo xeerka maanta la dhaqan geliyay ee warbaahinta, aysana aqbali doonin.

Waxaa uu arrintan sabab uga dhigay wasiirku in maamulka Puntland aan lagala tashan xeerkan, sidaa awgeedna aysan shaqo ku laheyn.

Waxa uu intaa ku daray in Puntland degaannadeeda uusan ka dhaqan geli doonin xeerkan, maadaama buu yiri, qodobbada qaar ee ku jira ay dhaliileen weriyeyaashii iyo warbaahinta madaxa bannaan ee ka qayb galay.

Puntland ayaa looga bartay sharci kasta oo ay ansixiyaan goleyaasha xukuumada Somalia oo ay ku jiraan xubno metelaya maamulkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -