Madaxweyne Deni oo caawa la caweeyey qaar ka mid ah shacabka Gaalkacyo (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni ayaa caawa magaalada Gaalkacyo kula caweeyay qaar ka mid ah dhallinyarada magaaladaas.

Deni ayaa gaaray maqaahi ku taalla woqooyiga Gaalkacyo, isagoo dhalinyaro halkaas ku fiidsaneysay la wadaagay Shaah iyo sheeko.

Dhallinyarada ayaa madaxweynaha uga mahad-celiyay dadaalka uu ku bixinayo horumarka iyo nabad-gelyada gobolka Mudug.

Qaar ka mid ah dhalinyarada ayaa Madaxweyne Deni la galay sawirro Selfie ah iyagoo isticmaalaya camerooyinka ku xiran mobiladooda.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni oo maalmahan booqasho ku joogay magaalada gaalkacyo ayaa halkaas kulamo kula lahaa waxgaradka iyo qeybaha bulshada magaalada.

Maalinta Khamiista ah ee soo socota oo beri oo Arbaco ah ay naga xigto ayaa lagu wadaa in Madaxweyne Deni uu gaaro magaalada Dhuusamareeb oo ah xarunta maamulka Galmudug halkaasoo uu kaga qeyb galayo shir gaar ah oo ay halkaas ku yeelan doonaan madaxda dowlad goboleedyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -