Boris Johnson oo ugu dambeyn laga saaray Isbitaal looga daweeyey Coronavirus

Ra’iisal Wasaaraha UK Boris Johnson ayaa laga saaray Isbitaalka kadib markii laga daweeyay xanuunka Coronavirus, balse durbaba shaqada kuma laaban doono.

Johnson, oo 55 sano jir ah, ayaa seexiyay Isbitaalka St. Thomas hospital ee ku yaalla magaalada London Axaddii – 10 maalmood ka dib markii laga helay fayraska Corona.

Muddo 3 habeen ah ayuu ku jiray qeybta xaaladda deg degga ee la geeya dadka ay xaaladooda caafimaad aad u liidata.

“Iyadoo laga duulaya talada dhakhaatiirta, ra’iisal wasaaraha si dhakhsi leh shaqada uguma laaban doono. Wuxuu aad ugu mahadcelinayaa shaqaalaha isbitaalka oo siiyay daryeel aad u wacan”, ayaa lagu yiri war qoraal ah o ka soo baxay xafiiskiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -