Wiil 6 jir ah oo Kenya ugu geeriyooday Covid-19 iyo dad badan oo loo karantiilay

Wiil 6 sano jir ah oo u dhashay dalka Kenya ayaa geeriyooday, iyadoo geeridiisa ka dib la ogaaday inuu u dhintay cudurka Covid-19 markii baaritaan lagu sameeyey.

Masuuliyiinta ayaa sheegay in wiilkan la dhigay Kenyatta National Hospital, waxaana laga cabsi qabaa inuu cudurka qaadsiiyey tobanaan qof oo ay ku jiraan dhaqaatiir iyo kaaliyeyaal caafimaad.

Qoyskiisa ayaa gaari Bas ah la soo raacay, waxaana markii la geeyay isbitaalka loola macaamilay sidii qof caadi ah, iyadoo la rumeysnaa inuusan caruurta ku dhicin ama u badneyn Coronavirus, taasoo keenay in dhaqaatiirka iyo kalkaaliyeyaasha ay la tacaalaan xaaladda wiilkan iyadoo aan xiran qalab looga gaashaanto Coronavirus-ka.

Warbaahinta Kenya ayaa sheegtay in ilaa 50 shaqaale caafimaad lagu amray ina is karaantiilaan iyadoo laga cabsi qabo inay wiilkaasi ka qaadeen cudurka, waxaana sidoo kale loo sheegay inay guryahooda joogaan qoyska iyo dadkii la xiriirka la yeeshay wiilkaasi oo aan magaciisa la shaacin.

Wiilkan ayaa muddo laba maalmood ah ku sugnaa Qeybta caruurta ee isbitaalka Kenyatta ee magaalada Nairobi, iyadoo markaas kadib baaritaan Coronavirus ah loo diray, iyadoo lagu arkay calaamadaha cudurka, kadibna waxaa la helay natiijadii oo ahayd inuu qabo cudurka Covid-19 isla maalintii uu geeriyooday.

Wiilkan ayaa noqonaya qofkii ugu da’da yaraa ee qaarada Afrika ugu dhintay cudurka Coronavirus ee haatan caalamku uu dagaalka ba’an kula jiro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -