Hotel iyo Dhismayaal kale oo laga dhax dhisayo Garoonka Muqdisho oo la dhagax dhigay (Sawirro)

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumada Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa maanta gudaha garoonka kubada Cagta ee Muqdisho Stadium ka dhagax dhigtay dhismayaal cusub oo gudaha garoonka laga dhax dhisayo.

Wasiirka ayaana gudaha garoonka ka dhagax dhigtay Sadex mashruuc oo kala ah dhismaha Hotelka garoonka, Xarunta xiriirka kubadda cagta iyo  sidoo kale garoonka tababarka .

Dhismayaashan maanta la dhagax dhigay ayaana si casri ah loo dhisi doonaa, waxa ayna dhismayaashan qeyb ka noqon doonaan horumarinta garoonka kubada cagta oo mudo sanado badan kadib dib u dhis lagu sameeyay.

Garoonka kubada cagta ee Muqdisho ayaa mudo badan ahaa xero ciidan, hasa ahaatee gacanta dowlada gaar ahaan Wasaarada ciyaaraha oo dhawaan lagu wareejiyay garoonka ayaa lagu sameeyay dib u dhis casri ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -