Itoobiya oo laga helay kiisas cusub oo la xiriira Cudurka Coronavirus

Dowlada Itoobiya ayaa sheegtay in tirada kiisaska Coronavirus (COVID-19) ee laga helay dalkaas ay korortay Waxaana maanta la helay 3 kiis oo cusub.

Wasiirka Caafimaadka Itoobiya waxaa uu intaas ku daray in kiiskii ugu horreeyay ee COVID-19 laga helay dalkaas bishii Maarso 13, wixii markaas ka dambeeyayna, saraakiisha ay raadinayeen xiriirada kiiskii ugu horreeyay ee la xaqiijiyey.

Qiyaastii 117 qof ayaa lala xiriirinayay waana la karantiilay, waxaana laga helay maanta Saddex ruux oo cusub.

Dadka cusub ee Maanta laga helay Corona labo ka mid ah Waa reer Japan ah waxaana ay da’doodu kala tahay 44 , 47 iyo halka qofka 3aad uu yahay Itoobiyaan ah da’deedu tahay 42.

Dhammaantood waxay ka shaqeeyaan Addis Ababa waxayna xiriir dhow la lahaayeen kiiskii ugu horreeyay ee la xaqiijiyey.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay inay billaabeen raadinta xiriirada saddexda kiis ee cusub si looga hortago iney sii faafiyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -