Madaxweyne Trump oo go’aan adag kasoo saaray Diyaaradaha uga yimaanaya Yurub

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa ka hadlay cudurka Caronavirus ee kusii faafaya qeybo badan oo caalamka kamid ah iyo talaabooyinka dowladiisa qaadeyso si looga gaashaanto in cudurkaasi ku faafo Gudaha Mareykanka.

Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in mudo bil ah hakiyeen diyaaradaha Yurub ka yimaada, waxa uu sheegay in go’aankan uu yahay mid adag balse noqotay mid laga maarmaan ah si ay uga gaashaantaan in uu sii faafo Caronavirus.

Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa ku eedeeyay wadamada Yurub in ay ku guul dareesteen in ay qaadaan talaabooyin adag oo looga hortagi karo Caabuqa Caronavirus, waxa uuna xusay in Mareykanka uu qaadayo talaabooyin adag si Carona looga hortago.

Dalka Mareykanka, waxaa laga soo sheegay in dadka laga helay cudurka Caronavirus ay gaarayaan 1,135 kiis, waxaana la xaqiijiyay in Mareykanka gudihiisa cudurkaasi ugu geeriyoodeen  38 qof.

Cudurka Caronavirus ayaa dhibaato badan ku haya qaar kamid ah wadamada Caalamka, Cudurkan oo kasoo bilowday dalka hiinaha ayaa hada kusii faafaya wadamo badan gaar ahaan Qaarada Yurub uu hada faro ba’an ku hayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -