Hogaamiyihii Ahlu suna Macalin Max’uud oo safar qarsoodi ah ku jooga Garoowe

Hogaamiyaha Ahlu-suna Macalin Maxamuud Shiikh Xasan oo shalay ka dhoofay magaalada Dhuusamareeb ayaa la sheegay inuu socdaal qarsoodi ah ku joogo magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Macalin Maxamuud Shiikh Xasan ayaa shalay markii uu ka ambabaxayey magaalada Dhuusamareeb waxaa la sheegay inuu u dhoofay magaalada Nairobi, hase ahaatee warkaas ayaa ahaa mid marin habaabin ah maadaama  lagu arkay Garowe.

Masuuliyiinta Puntland ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan ujeedada safarka Macalin Maxamuud oo maalmo ka hor lagala wareegay awoodii Ahlusunna ay ku lahayd gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Wararka aan helayno Garowe ayaa sheegaya in Macalin Maxamuud uu kulamo la yeelan doono madaxda Puntland ka hor inta uusan u duulin maalmaha soo socda magaalada Nairobi.

Puntland ayaa cambaareysay howlgalka ciidamada dowlada Somalia ku weerareen madaxda ahlu suna, iyagoo ku eedeeyay dowladda federalka inay duulaan ku tahay goboladii nabdoonaa ee iska xoreeyay ururka Alshabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -