Faatima Cawaale Cusmaan oo shaacisay iney xilka iscasishay & Xog ku aadan sababta

Duqa Magaalada Djibouti ee dalka Djibouti Faatima Awaleh Cusmaan ayaa si lama filaan shaqada isaga casishay.

Faatima Awaleh Cusmaan waxay Warqaddaheeda iscasilaada u gudbisay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

faahfaahin kama bixin iscasilaadeeda balse mar ay saxaafada la hadleysay waxay sheegtay inay isku casishay sababo iyada u gaar ah oo aysan cadeynin.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya inay diiday amar dib loogu soo celinayo shaqaale ay xafiiskeeda ka eriday taasoo sababtay iney shaqada ka tagto.

Faatima Awaleh Cusmaan ayaa ahayd haweeneydii ugu horreysay ee gobolka Geeska Afrika loo doorto duq Magaalo caasimad ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -