Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka dowlada Iran oo la ildaran cudurka Coronavirus

Wasiir ku xigeenkii caafimaadka dalka Iiraan Iraj Harirchi ayaa qaaday cudurka coronavirus, xilli dalkaas uu la halgamayo mid ka mid ah faafitaankii ugu darnaa cudurkan ka soo bilowday Shiinaha.

Wakaaladda wararka ee FARS ayuu u sheegay inuu qabo cudurka, laakiin uu kalsooni ku qabo inuu ka caafimaadi doono .

Iran waa mid ka mid ah waddamada uu sida xun u saameeyey coronavirus, iyadoo kiisas badan la xaqiijiyay 72-kii saac ee la soo dhaafay, iyo 16 dhimasho ah.

Shiinaha ayaa weli ah dalka ugu badan ee kiisaska adduunka, laakiin Japan, Kuuriyada Koonfureed, Talyaaniga, iyo Iiraan ayaa dhammaantood diwaan geliyay tiro badan oo cudurkan ah asbuucii la soo dhaafay.

Axadii, Iran waxay xirtay iskuulada iyo jaamacadaha 14 gobol waxayna u hibeeyeen 230 isbitaal oo ku yaal daafaha dalka si ay ula dagaallamaan cudurka coronavirus.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -