Taliska booliiska Galmudug oo isbadal balaaran lagu sameeyay (Akhriso Taliyaal la magacaabay)

Qoraal kasoo baxay taliyaha Ciidanka booliiska Soomaaliya Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa isbadal balaaran lagula sameeyay taliska guud ee booliiska Galmudug, midka gobolada iyo Degmooyinka.

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa taliye cusub u magacaabay booliiska Galmudug, waxa uu sidoo kale taliyaha booliiska Soomaaliya taliyaal cusub u magacaabay Gobolada Mudug, Galgaduud iyo degmooyinka labadaasi gobol.

Gaashaanle Sare Cabdikariin Xuseen Macalin ayaa loo magacaabay taliyaha qeybta guud ee booliiska Galmudug halka kuxigeenkiisa loo magacaabay Gaashaanle sare Maxamed Nuur Cali.

Halkan ka Ahhriso isbadalka lagu sameeyay taliyaasha booliiska Galmudug 

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -