Ugaas C/llaahi Ugaas Xaashi oo fariin iskugu jirta hambalyo & dardaaran u diray Madaxda Galmudug

Ugaaska beesha Murusade Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka cusub ee dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) iyo Mudane Cali Daahir Ciid oo maanta ku guuleystay doorashadii Madaxtinimo ee Galmudug.

“Waxaan Madaxweynaha cusub ee Galmudug Mudane Axmed Cabdi Qoor-qoor iyo Ku-xigeenkiisa Cali Ciid ugu hambalyeynayaa xilalka loo doortay, anigoo xasuusinaya in looga fadhiyo iney bulshada Galmudug u horseedaan midnimo, caddaalad iyo horumar.” ayuu yiri ugaaska.

Ugaas Cabdullaahi ayaa ku bogaadiyey Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre dadaalka wax ku-oolka ah ee uu geliyey sidii hannaanka Maamul ee Galmudug uu u yeelan lahaa muuqaal ka tarjumaya ilbaxnimada, garashada, iyo wadajirka bulshada iyo waxgaradka Galmudug.

Sidoo kale Ugaaska ayaa ayaa ku ammaanay Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, laamaha ammaanka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, Guddiga Doorashada iyo Golaha Baarlamanka Galmudug doorka ay ka qaateen miro-dhalka geeddi-socodka hannaanka maamul dhisida Galmudug.

“Waxaan u rajeynayaa shacabka Galmudug isbeddel miro-dhal ah oo horseedi kara xasillooni, talo-wadaag iyo horumar ay si wadajir ah ugu tallaabsadaan dhammaan degaannada Galmudug” ayuu intaas ku daray Ugaaska.

Ugu dambeyn Ugaaska beesha Murusade Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade ayaa ALLE uga baryay Madaxweynaha cusub ee Galmudug iyo Ku-xigeenkiisa inuu la garab galo gudashada waajibaadka culus ee loo igmaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -