Daawo Sawirada: Dowlada oo si rasmi ah ula wareegtay Ciidankii ay tababareen Imaaraadka iyo Hubkooda

Dowlada Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ula wareegtay ciidankiii Milatariga ay tababareen dowlada Imaaraadk,a kadib markii dowlada Imaaraadka shaacisay in ay joojisay taageeradii iyo tababaradii ay ciidankaasi siin jireen.

Abaanduulaha Ciidanka Xooga Soomaaliyeed Jeneraal Cabdulaahi Cali Caanood oo saakay tagay xerada Jeneraal Gordan ee dagan yihiin ciidanka ay tababartay dowlada Imaraadka ayaa sheegay in dowlada maanta si rasmi ah ula wareegtay ciidankaasi.

Waxa uu sheegay Abaanduulaha in si buuxda taliska ciidanka ula wareegtay Ciidankan ay tababartay dowlada Imaraadaka iyaga iyo hubkooda, waxa uuna sheegay in hada kadib xaquuqdooda ku leeyihiin dowlada.

Generaal Caanood ayaa uga mahad celiyay dowlada Imaaraadka uu sheegay in ay ku wareejiyeen ciidanka ay tababareen hub iyo gaadiid kala duwan sida gaadiidka xamuulka qaada iyo gaadiidka tiknikada ee loo yaqaan Cabdi Billaha.

Abaanduulaha Ciidanka Xooga Soomaaliyeed ayaa shaaciyay in ciidankan lagu wareejiyay  loogu magac daray Daljir , waxa uuna cadeeyay in ciidankan ka amar qaadan doonaan saraakiishooda ayna kamid yihiin ciidanka kale ee Milatariga.

Dowlada Imaaraadka ayaa shaacisay in ay joojisay tababaradii iyo taageeradii ay siin jirtay Ciidanka Milatariga gaar ahaan kuwa ay tababareen oo kun askari ka badnaa, waxaana ciidankan hada si toos ah uga amar qaadan doonaan taliska Milatariga oo markii hore saameyn badan ku laheyn.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa dhawaan shaaciyay in uu dhamaaday waqtigii loogu tala galay in Imaaraadka Tababaraan ciidanka Milatariga, waxaana arimahan kusoo aadayaan xili uu xumaaday Xiriirka Soomaaliya iyo Imaraaadka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -