C/raxmaan C/shakuur: “DF waxay Booliska Malaysia ku wargelisay inaan ahay dembiile”

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ku eedeeyey dowlada Somalia iney fara gelisay khudbad uu u jeedin lahaa ardayda Soomaalida ee wax ka barata dalka Maleysia.

Waxaa uu sheegay in safaarada dowlada Somalia ku leedahay Kuala Lumpur ay warqad u qortay dowlada Maleysia ayna ka dalbatay in isaga laga joojiyo kulan uu kaga qeyb lahaa dalkaas oo uu habeen hore gaaray, waxaana warqada ku qornaa inaan ahay dembiile diinta u gefay oo baaritaan uu ku socdo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in booliska ay yimaadeen kulanka ayna dalbadeen in la joojiyo, waxayna arintaas sababtay in kulanka la soo xiro xiligii loogu talo galay ka hor.

Hoos ka akhriso qoraal uu C/raxmaan C/shakuur  soo dhigay bartiisa facebook oo uu arintaas kaga hadlayo  

Dowladda Soomaaliya si ay u joojiso khudbad aan u jeedin lahaa ardayda Soomaaliyeed ee Malaysia ayaa safaaradda Soomaaliya ee Malaysia oo ka amar qaadnaysa Villa Somalia, waxay Booliska dalka Malaysia ku wargeliyeen in aan danbiile baaritaan dalkiisa uga socda ahayd, Islaamka u gefey, fatwana la iga soo saaray, la iina diiday in aan dalal badan oo Islaam ah hadal jeedin ka sameeyo.

Waa sida ugu foolxun oo awood dawladeed loogu takrifalo, iyo sida ugu liidata ee dan qaran dal dibadiisa looga jiro. Waxaa mahad leh daddaalka ardayda Soomaaliyeed iyo garashada Booliska Malaysia oo suuragaliyey in hawhsii socoto, shirqool kii iyo isku daygii naflacaariga ahaa ee kooxda Vila Somalia fashilmo.

HOOS KA AKHRISO WARQADA BOOLISKA MALAYSIA KU JOOJIYEEN KULANKA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -