Itoobiya oo markii ugu horeysay hawada u dirtay dayax gacmeed (Daawo Sawirro)

Itoobiya ayaa markii ugu horeysay taariikhda hawada sare u dirtay dayax gacmeed laga tuuray gudaha dalka Shiinaha.

Magaalada Addis ababa waxaa lagu qabtay xaflad ay mas’uuliyiinta dowladda iyo kuwo horayba si toos ah uga daawanayeen xilliga la dirayay dayax gacmeedka.

Xafladaas dadka daawanaye ayaa wax aka mid ahaa ra’iisul wasaare ku xigeenka Itoobiya, Demeke Mekonnen, ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaas, Hailemariam Desalegn iyo wasiiro katirsan xukuumadda.

Dayax gacmeedka oo laga tuuray meel ana ka fogeyn caasimadda Beijing ee dalka Shiinaha ayaa Dowladda Itoobiya waxay sheegtay in ujeedka ugu weyn ee ay ka leedahay ay tahay in lala socdo cimilada iyo deegaanka iyo in uu gacan ka geysto horumarinta beeraha, macdanta, horumarinta magaalooyinka iyo sidii looga gaashaaman lahaa arrimo ay kamid yihiin abaaraha soo noqnoqday.

Getahun Mekuria oo ah Wasiirka tiknolojiyadda Itoobiya ayaa sheegay in dayax gacmeedkan loo adeegsan doono howlo kale oo fara badan.

“Waxaa kale oo dayax gacmeedkan loo adeegsan doonaa saadaasha hawada, dib u habeyn lagu sameeyo beeraha iyo horumaarinta kaabayaahsa dhaqaalaha,”ayuu yiri Getahun Mekuria oo ah wasiirka tiknolojiyadda Itoobiya oo la hadlay warbaahinta maxaliga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -