Tacsi loo dirayo geeri ku timid Hormuudkii Kuliyadda Dhaqaalaha ee Jaamacada Benadir

1-Guddoomiyaha Mu’asasada tacliinta sare ee Banaadir Dr. C/llaahi Shiikh Xuseen (Buskhkuleeti)

2-Guddoomiyaha Jaamacadda Benadir Dr. Maxamed Maxamuud Xasan (Biday).

3-Gudoomiye ku-xigeenka dhinaca Maamulka iyo Maaliyada ee Jaamacada Benadir Dr. C/raxmaan Xasan Cumar.

4-Guddoomiye Ku-xigeenka dhinaca Waxbarashada Khaliif Muuse Warsame.

5-Madaxa qeybta Waxbarashada sare ee Jaamacadda Benadir Prof. Cusmaan Maxamuud Dufle, ahna Senator ka tirsan aqalka sare ee Baarlamanka Somalia

6-Guddoomiyihii hore ee Jaamacada Benadir, ahna agaasimaha Machadka Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SDRI), Dr. C/risaaq Axmed Dalmar.

Dhammaan Masuuliyiinta kale ee Jaamacada Benadir, hormuudyada Kuliyadaha Jaamacadda, shaqaalaha iyo ardayda Jaamacadda, iyo bahda Waxbarashada Soomaaliyeed waxay iyagoo ka tiiraanyeysan tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii iyo eheladii uu ka baxay Marxuum Ahmed Mohamed Daahir (Ahmed Tall) oo ahaa hormuudkii Kuliyada dhaqaalaha iyo Maamulka ee Jaamacadda Benadir oo saaka ku geeriyooday Isbitaalka Erdogan (Ex-Digfeer) ee magaalada Muqdisho.

Waxay marxuumka ILAAHAY uga baryeen inuu janadii fardowsa aheyd ka waraabiyo, eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay ka siiyo samir iyo Iimaan.

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN 

 

 

- Advertisement -