Dhooba Daareed: “Puntland waxay cagta saartay wadadii burburka”

Gudoomiyihii hore ee Baarlamanka Maamulka Puntland Cabdixakiin Maxamad Axmad (Dhooba Daareed) ayaa ka hadlay xilka qaadistii lagu sameeyey, isagoo dhinaca kale eedeyn kulul u jeediyey Masuuliyiinta & Xildhibaanada Maamulka Puntland.

Dhoob-daareed ayaa sheegay in waqtigan Puntland ay gacanta u gashay kaligii Taliye, isagoo xildhibaanada ku dhaliilay inay xiligan umada ugu shaqeeyaan laaluush.

Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland oo wareysi siinayey Tv-ga Universal isagoo jooga Magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Puntland ay ku socoto wadadii burburka haddii arintaasi aan wax laga qabana ay dhibaato badan ka dhalan doonto.

Dhooba daareed ayaa shacabka Puntland ugu baaqay inay u istaagaan sidii loo badbaadin lahaa Maamulka Puntland, meeshana looga saari lahaa kooxo daneystayaal ah oo qabsaday sida uu warkia u dhigay

Guddoomiyihii hore ee maamulka Puntland Dhooba daareed ayaa 17-kii Bishii November waxaa xilkii Guddoomiyenimo ka qaaday baarlamanka Puntland, iyagoo ku eedeeyey inuu ku xadgudbay dastuurka Puntland, iyagoo sidoo kale kala laabtay xasaanada xubinimo ee golaha wakiilada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -