Gabar Mudo seddex sano socotay kabo la’aan iyo Sababta ku kaliftay

Cassandra Smith oo 20 sano jir ah, ayaa diiday xirashada dhammaan nuucyada kala duwan ee kabaha muddo saddex sano ah,waxayna sheegtay in kaba la’aanta ay ka heshay kalsooni nafta ah iyo xorriyad sida ay doonto ugu lugeyn karto sida laga soo xigtay jariiradda Twasul Lite.

Kassandra ayaa billaawday inay xiraro kabo fudud markay aadeyso suuqa,maqaayadaha ama iskuulka, laakiin markii danbe iska diiday xirashada dhammaan nuucyada kabaha, ka dib markay dhammeysatay waxbarashada dugsiga sare 2015-kii.

Mar la weydiiyay gabadhani sababta ay sidaasi u sameyneyneso waxay tiri : ‘’waxaan dareemayaa in aan ka fudeyd badanahay, kana xoog badanahay ruuxiyan markii aan kaba xirto ‘’

Cassandra Smith ayaa sheegtay in ay aaminsan tahay in markii ay iska dhaaftay kaba xirashada uu jirkeedu noqday mid caafimaad qaba, oo weliba fresh ah, kana badbaadiyay suura galnimada inay jirrooyin faraha lugaheeda ku dhaca taasoo ay rumeysan tahay inay uga badbaaday caga caddaanta.

Smith ayaa sheegtay in In kasta oo ay ka kulanta dhaawacyo ka so gaaray faraha lugaha, balse ay haddana caga cadaanta ka dareentay raaxo iyo in difaaceeda jirku sii xogeystay

Waxaa kale oo ay tilmaantay in aysan kabo xiran doonin illaa ay ka hesho shaqo ku habboon nolosheda oo siisa farxad iyo baraare.

Kassandra ayaa la sheegayaa inay la kulanto xaalado badan oo iskugu jira ceebeyn iyo canbaareyn ku saabsan kabo la’aanteeda, gaar ahaan munaasabadaha bulshada sida in maalin laga codsaday inay ka baxdo dukaan ay soo gashay nabad galyo darteed, halka dadka qaarna markay arkaan iyadoo kaba la’aan socota ay ku orriyaan kuna buuqaan sida lagu daabacay Audi Central website.

W/T Abdirahman Dahir Gutale 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -