Qaabka dowlada federaalku u wajaheyso kiiska Badda oo dhaliil xoog leh loo jeediyey

Wasiirkii hore ee arrimaha dibeda Somalia Yuusuf Garaad Cumar Axmed ayaa dhaliilay qaabka ay dowlada Somalia u wajaheyso kiiska badda ee hor yaalla maxkamada Cadaalada ee ICJ.

Yuusuf Garaad ayaa sheegay iney tahay markii ugu horeysay ee uu siyaasi qeyb ka noqdo Ergada Soomaaliya mataleysa, halka markii hore ay Guddi Farsamo iyo Qareeno ay matali jireen.

Hoos ka akhriso qoraal kooban oo Yuusuf Garaad uu soo dhigay baraha bulshada.

“Dacwada badda markii la diyaarinyay qarsoodi ayay ahayd, intii ka dambeysay Dowladda ayaa bulshada war rasmi ah oo haddana sugan ka siin jirtay ergada tegeysa ICJ, goorta iyo waliba sababta loo tegayo.

Inta Maxkamadda la joogo ayaa mar kale shacabka war sugan laga siin jiray sida ay wax u socdaan.

Hadda ugu yaraan laba jeer ayaa fal dhacay dabadii uu suuqu u warramay shacabka, ka dibna ay Dowladdu u xaqiijisay.

Waana Markii UguHorreysay ee siyaasi uu ka mid noqdo ergada Soomaaliya.

Ma xuma in wax cusub la isku dayo, laakiin haddii sidii hore ay wanaag badiso, ma ahan in lagu adkeysto sida cusub”

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -