Villa Somalia oo si kulul uga hadashay Sawirro maanta lagu soo bandhigay Isgoyska Zoope

Afhayeenka Madaxtooyada Somalia Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa si kulul uga hadlay dadkii ka dambeeyey sawiradii muranka dhaliyey ee maanta lagu soo bandhigay munaasabada 14-ka Oktoobar ee lagu qabtay isgoyska Zoope ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadan ayaa aheyd mid iskugu jirtay duco iyo baroordiiq loo sameynayey dadkii faraha badnaa ee ku dhamaaday qaraxii ka dhacay halkaas labo sano ka hor markii uu ku qarxay gaari xamuul ah oo waxyabaha qarxa laga soo buuxiyey.

Waxaa Munaasabada lagu soo bandhigay labo gaari oo lagu xardhay sawirada Madaxweynaha iyo RW oo dhiig u shubaya dadkii ku dhaawacmay musiibadaas taasoo dad badan ka careysiisay, loona fasirtay olole siyaasadeed oo baroordiiqda looga faa’iideysanayo.

“Madaxda iyo dadka kale ee ammaanada bulshada loo wakiishay waxa ay khaldaan waa la sixi karaa, waxa ay hagaajiyeenna waa la tilmaami karaa balse in shakhsiyaad loo heeso ama loo buraanburo waa dhaqan duugoobay oo aan loo baahnayn” ayuu yiri afhayeenka Madaxtooyada

Waxaa uu sheegay iney tahay in laga gudbo baabuurta lagu soo buufiyo sawirada madaxda Qaranka oo uu ku tilmaamay inuu yahay dhaqan dugoobay.

“Waxaa la mid ah qoladii maanta baabuurta kusoo buufisay sawirrada madaxda qaranka iyaga oo isu haysta in ay wax hagaajiyeen. Dhaqamadaas liita waa in la baabi’iyaa” ayuu yiri afhayeenka oo qoraal kooban soo dhigay baraha bulshada.

Arrintan oo sidoo kale ay dhaleeceeyeen siyaasiyiinta mucaaradka ayey wararka qaar sheegayaan iney ka dambeeyeen Xoogaga wadaniyiinta loo yaqaano oo ay Madaxtooyada Somalia abuurtay, kuwaasoo ku caan baxay guul-wadeynta Madaxda dowlada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -