Wafdi ka socda dowlada Kenya oo goordhaw gaaray Kismaayo (Daawo Sawirada)

Waxaa goordhaw magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland gaaray Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka dalka Kenya Aadan Barre Ducaale.

Wafdigan ka socda doqlada Kenya waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, Xildhibaano iyo dadweyne lasoo abaabulay.

Hoggaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka dalka Kenya Aadan Barre Ducaale waxaa kamid ah wafdiga uu hogaaminayo Xildhibaano katirsan Baarlamaanka dalka Kenya gaar ahaan kuwa laga soo doortay Gobolka Waqooyi bari dalka Kenya.

Wafdigan ka socda dowlada Kenya ayaa Kismaayo u tagay ka qeyb galka caleemo saarka Madaxweynaha maamulka Jubbaland Sheekh Axmed Madoobe oo lagu wado in maanta galinka dambi ka dhacdo magaalada Kismaayo.

Wafdigan ayaana Kismaayo waxaa geysay diyaarad si toos ah uga soo duushay magaalada Nairibi, waxa ayna diyaaradan jabisay amarkii xalay kasoo baxay dowlada federaalka ee ku aadanaa in Diyaaradaha Kenya ka baxa aysan toos u tagi karin Kismaayo.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaan la ogeyn go’aanka ay ka qaadan doonto xadgudubka mar kale dowlada Kenya sameysay, waxaana horey dowlada Soomaaliya Kenya uga gudbisay dacwad ka dhan aheyd diyaarad jabisay xayiraadii dowlada ee Kismaayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -