Dil Naxdin iyo argagax leh oo ka dhacay degmada Hobyo ee gobolka Mudug

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya degmada Hobyo ee Gobolka Mudug dil argagax leh oo aad looga naxay ayaa maanta halkaas ka dhacay ka dib markii Haweeney ay si ulakac ah u toogatay seygeeda ama ninkii qabay.

Dilka oo dhacay duhurnimadii maanta ayaa yimid ka dib markii Haweeneydan iyo seygeedda uu soo kala dhex-galay khilaaf iyo muran la xiriira arrimo qoys.

Haweeneydan ayaa la sheegay iney markii dambe iyadoo careysan qori uu lahaa marxuumka soo qaadatay ka dibna u adeegsatay dilkiisa, waxayna ku riday xabado darandoori ah oo sababay inuu isla goobta ku geeriyoodo.

Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Cali Geeddi ayaa la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada Millateriga Soomaaliya gaar ahaan qeybta 21aad ee ka howlgasha degaannada Galmudug.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Haweeneyda dilka geystay ay goobta ka baxsatay, iyadoo ciidamada Booliska ee ka howlgalla degmada Hobyo ay haatan ka baadi goobayaan xaafadaha degmadaas si loo soo xiro.

Dhacdadan oo aheyd mid degaanka looga baran oo aad looga naxay ayaa si weyn looga hadal hayey degmada Hobyo iyo degaanada hoos yimaada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -