Xulka Soomaaliya oo goordhaw Guul taariikhi ah ka gaaray Xulka Qaranka Zimbabwe

Waxaa goordhaw garoonka kubada cagta ee El Hadj Hassan Gouled Abtidon Stadium, kusoo dhamaatay ciyaar aad u xiiso badneyn oo u dhaxeysay Xulka Qaranka Soomaaliya iyo Xulka Qaranka Zimbabwe.

Labada xul ayaa wada ciyaarayay lugta hore ee hordhaca isreebreebka Koobka Adduunka, xulka Soomaaliya ayaa hooy ahaan ugu ciyaareysay dalka Jabuuti halka lugta labaad lagu ciyaari doono dalka Zimbabwe.

Xulka qaranka Soomaaliya ayaa guul weyn oo taariikhi ah ka gaaray xulka Zimbabwe, kadib markii uga adkaadeen hal gool iyo eber oo guusha ku raacday xulka Qaranka Soomaaliya ee lagu naaneeso Ocean Stars .

Xulka qaranka Soomaaliya ayaa ciyaarta bilowgeeda ilaa dhamaadkeeda wacdarro ka dhigay garoonka El Hadj Hassan Gouled Aptidon Stadium, waxay qeybtii hore iyo qeybtii labaadba soo bandhigeen ciyaar tayadeeda ay aad u sareyso.

Xulka Soomaaliya ayaa helay fursad aad u faro badan labada qeyb ee ciyaarta balse kama aysan wada faa’ideysan iyagoo helay goolka guusha dhamaadkii ciyaartii ka dhacday garoonka Jabuuti oo hooy u ah xulka Ocean Stars.

Soomaaliya ayaa goolka guusha heshay ka dib kubad rogaalcelis ah oo ay qaadeen dhamaadkii ciyaarta iyadoo goolhaye Axmed uu fursad weyn ka beeniyay Zimbabwe laakiin daqiiqadii ku xigtay waxay Soomaliya goolka shabaqa ugu shubtay Zimbabwe.

Ocean Stars ayaa talaabo weyn u qaaday inay hore ugu sii socoto isreebreebka Koobka Adduunka ee 2022 lagu qabanayo Qatar, iyagoo u baahan inay xaqiijiyaan guusha kulanka lugta labaad.

Waxaa lugta labaad ee ay xulka Soomaaliya booqan doonaan magaalada Bulawayo ee dalka Zimbabwe maalinta Sabtida ee soo socota ee 7da bisha September.

Xulalka Soomaliya iyo Zimbabwe ayaa ku jira hordhaca isreebreebka Koobka Adduunka ee wadamada Afrika, waxaana Soomaaliya ay rajo weyn ka qabtaa inay ka gudbi karto xulka Zimbabwe ee lagu naaneeso The Warriors madaama ay lugtii hore guul weyn ka gaareen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

- Advertisement -