Milyoneer caan ah oo hantidiisii oo dhan deeq ahaan u bixiyey, ka dibna isdaldalay

Milyoneer Maraykan ah oo la yiraahdo Jeffrey Epstein ayaa la sheegay inuu dardaarankiisa saxiixay ka hor inta uu iskudilin xabsi ku yaalla Magaalada New York.

Warbaahinta Maraykanka ayaa sheegtay warqadda dardaaranka ninkaasi oo saxiixan in maxkamadda jasiiradda Virgin ee dalka mareykanka lagu soo bandhigay uu ninkaasi ku sheegay maal ka badan $577 milyan oo doolar inuu ninkaasi oggolaaday inuu qasanadda dowladda lagu shubo balse ma sheegin cidda deeqdaasi uu bixiyey uu doonayo in looga faa’iideeyo.

Wargeyska New York Post oo soo xigtay warqadda dardaaranka uu Jeffrey Epstein qoray soo xigtay waxay sheegeen inuu ninkaasi daradaarankiisa ku muujiyey in lacagtaasi deeq ahaan qasnadda dowladda lagu shubo.

Epstein wuxuu isdaldalay isagoo sugaya in lagu qaado dacwad la xiriirta inuu suuq geyn jiray haweenka jirkooda ka ganacsada isla-markaana uu shirqoolana fulin jiray.

Dhakhtar caafimaad oo ku sugan New York oo meydka ninkaasi baaritaan caafimaad ku sameeyey wuxuu sheegay ninkan dhintay ee 66 jirka ah inuu isku dilay daldalaad.

Epstein inta uu noolaa wuxuu sheegay inuusan dambiyadaa lagu eedeeyey uusan gelin uuna xirnaa isaga oo aan loo oggolaan in damiin lagu sii daayo, mana cadda sababta dhabta ee ka dambeysa inuu bixiyo hantidiisa, ka dibna isdaldalo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -