Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama (Daawo Sawirro)

Inta la xaqiijiyey labo ruux ayaa dhaawac fudud uu soo gaaray kadib markii uu qarxay gaari ay la socdeen oo marayey galabta wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in meel aan ka fogeyn Saldhiga degmada Waaberi uu ku qarxay gaarigan oo noociisu ahaa nooca laba shireyda ah ee Soomaalidu u taqaano qooqan.

Labada qof ee ku dhaawacmay qaraxan oo ahaa dad shacab ah ayaa loola cararay goobaha Caafimaadka ee magaalada Muqdisho. lamana oga waxay ahaayeen.

Qaraxa ayaa ahaa gaariga loogu xiray dadkii watay ayaan la ogeyn waxay ahaayeen iyo sababta keentay in gaarigooda qarax lagu soo xiro.

Gaariga qaraxa lagu soo xiray oo weli goobta yaalla ayaaney waxyeelo weyn soo gaarin, marka la eego qaraxyadii la midka ahaa ee horey u dhacay, iyadoo qaraxan uu ahaa mid aan sidaa u weyneyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -