Xilliga la dhagaysanayo dacwada Badda ee Soomaaliya iyo Kenya oo la shaaciyay

Maxkamada Cadaalada Adduunka ICJ ee fadhigeedu yahay dalka Holland ayaa shaacisay xiliga mar kale la dhageesanayo Dacwada badda ee u dhaxeysa Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

War Qoraal ah oo kasoo baxay Maxkamada ICJ ayaa lagu sheegay in 9-September ee sanadkan 2019  ay bilaaban doonto dhageysa Dacwada Badda Soomaaliya iyo Kenya iyadoona dhamaan doonto 13-ka September ee isla sanadkan 2019-ka.

Dowlada Soomaaliya ayaa geysay Maxkamada Caalamiga ee ICJ dacwada badda ee kala dhaxeysa Dowlada Kenya, waxaana Xukuumada Nairobi dadaal badan ku bixisay in Soomaaliya ka laabato kiiska dacwada badda si muranka loogu xaliyo wadahadal.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa hada waxaa ka dhax aloosan xiisad siyaasad oo ka dhashay dacwada badda ee taala Maxkamada caalamiga, waxa ayna Kenya cadaadis badan saartay Soomaaliya si damaceeda loo fuliyo balse taasi aysan wali ku guuleesan.

Halkan ka Akhriso Qoraalka Maxkamada Caalamiga ee ICJ kasoo baxday

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -