Kim John Un oo laayey Masuuliyiintii u qaabilsanaa Wadahadalka Maraykanka

Warar soo baxaya ayaa sheegaya Hoggaamiyaha Kuuriyadda Waqooyi Kim Jon Un inuu laayay inta badan kooxdii qaabilsanaa Wadahadalladii Mareykanka iyo Kuuriyadda Waqooyi.

Wakiilkii gaarka ahaa ee Woqooyiga Kuuriya u qaabilsanaa wadahaladdii Kim iyo Trump ee ka dhacay magaalada Hanoi ee dalka Vietnam 28 February 2019 ayaa ka mid ah dadka la dilay.

Ninka la dilay oo lagu Magacaabo Kim Yong-chol ayaa ahaa  Gudoomiye kuxigeenka guddiga xisbiga shaqaalaha ee uu hogaamiyo Kim Jong Un sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay

Sidoo kale waxaa la toogtay afar Mas’uul oo ka tirsan  Wasaarada arimaha dibadda ee Waqooyi Kuuriya.

Masuuliyiinta la laayey ayaa lagu eedeeyay inay u basaaseen dalka Mareykanka xog muhiim ah, isla markaana sabab u ahaayeen fashilkii ku yimid Shirkii Kim iyo Trump ee dalka Vietnam.

Waxaa sidoo kale xabsiga la dhigay ku dhawaad 10 ruux oo uu ka mid ah yahay Turjubaankii Kim Xilligii wada xaajoodka oo lagu eedeeyay in ay wada shaqeyn la yeesheen ragga la dilay, waxaana laga cabsi qabaa in iyana la laayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -