Masjid cusub oo laga dhax dhisay Xarunta NISA iyo Kheyre oo xariga ka jaray (Daawo Sawirada)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta xariga ka jaray Masjid cusub oo laga dhax dhisay xarunta Hay’ada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya.

Masjidkan cusub ee laga dhax dhisay xarunta Hay’ada Nabad sugida ayaa dhismihiisa socday mudo afar bil ah, waxaana maanta masjidkan cusub si rasmi ah u furay Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Munaasabada lagu furayay masjidkan cusub waxaa goob joog ka ahaa Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya iyo sidoo kale saraakiil katirsan Hay’ada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka.

Masjidkan cusub ayaa loogu magac daray taliyihii ugu horeeyey ee Ha’yadda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka Axmed Saleebaan Dafle. , waxaana masjidkan loogu tala galay in ay ku cibaadeestaan kuna dukadaan shaqaalaha iyo masuuliyiinta Hay’ada Nabad sugida.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -