Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxyadii Caawa ka dhacay Muqdisho iyo Rag la tuhmayo oo la qabtay 

Waxaa goordhaw labo qarax siyaabo kala duwan uga dhaceen Degmooyinka Xamar Weyne iyo Wadajir, waxaana qaraxyadan caawa khal khal iyo cabi badan ku abuureen shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Qarax koobaad ayaa sida aan Wararka ku helnay ka dhacay Degmada Xamar Weyne gaar ahaan Dhabarka Dambe ee xarunta Iskaashatada gaadiidka oon sidaa uga fogeyn Beerta Nabada.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in goobtaasi uu ku qarxay gaari Noah ah oo waxyaabaha qarxa lagu soo qariyay , waxa uuna gaariga uu ku qarxay goob barxad ah sida taliska booliiska sheegeen.

Taliye kuxigeenka ciidanka booliiska Soomaaliya Gen Zakiya Xuseen ayaa sheegtay in qaraxa ka dhacay Xamar Weyn uu ahaa gaari Noah, waxa ayna xustay in uusan khasaaro geesan , waxa ayna intaa raacisay in la qabtay sadex ruux oo la tuhmayo.

”  Abbaro 7dii habeenimo ayaa baabuur noociisa yahay Toyota Noah ku qarxay meel barxad ah oo la dhigay kuna taal dhabarka dambe ee iskaashatada gadiidka degmada X/Weyne. Sidaanu xaqiijinay wax qasaaro naafeed ama dhaawac ma jiraan. Waxaa isla goobta lagu qabtay 2 qof lagu tuhmaaya in falka lug ku leeyihiin iyo ninkii baabuurka qaraxa watay. Wixii soo kordha waan idinla soo socodsiin doonaa” ayey tiri Zakiya.

Qarax kale oo isna si weyn looga maqlay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho ayaa caawa ka dhacay Xaafada Buulo Xuubey gaar ahaan agagaarka Iskoolka Jabuuti, waxaana la sheegay in uu goobtaasi gaari ku qarxay.

Lama oga wali khasaaraha rasmiga ah ee qaraxan labaad ka dhashay , mana jiro sidoo kale wax war ah oo kasoo baxay taliska booliiska Soomaaliya oo ku aadan qaraxan labaad ee caawa Muqdisho ka dhacay.

Qaraxyadan ayaa kusoo aadaya xili amaanka magaalada Muqdisho aad loo adkeeyay, waxaana wadooyinka magaalada intooda badan la dhigay ciidamo booliis ah oo loogu tala galay xaqiijinta amaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -