Madaxa shirkadda DP World oo si yasmo ay ku jirto uga hadlay Go’aankii Baarlamaanka Somalia

Baarlamaanka  Soomaaliya ayaa meel mariyay xeer dalka looga mamnuucayo shirkada laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta ee DP World, kadib markii shirkadan lagu eedeeyay in ay ku xadgudubtay Qaranimada Soomaaliya heshiisyo sharci daro ahna gashay.

Madax Shirkada DP World ee ka shaqeysa Arimaha dekaddaha Sultan Ahmed Bin Sulayem oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in go’aanka Baarlamaanka Soomaaliya kasoo baxay in aysan waxbo u arag howshoodana ay sii wadanayaan.

Waxa uu sheegay in Heshiis ay la galeen madaxda Somaliland,  waxa uuna tilmaamay in mashruucooda shaqo iyo midka horu marineed ee Dekadda Berbera ay sii wadan doonaan wax saameyn ahna uusan ku reebeyn go’aanka Baarlamaanka Soomaaliya.

Dhinaca kale mar uu ka hadlayay Madaxda DP World go’aankii dowlada Jabuuti uga laabatay heshiiskii ay ugu wareejisay Dekadda Dooraale ayuu sheegay in ay arintaasi saameyn ku yeelaneyso in Qaarada Afrika gaar ahaan Jabuuti la maalgashado.

Shirkada DP World ayaa horey u sheegtay in maamulka Somaliland uu ka madax banaan yahay Soomaaliyan inteeda kale sidaas darteedna ay ula galeen heshiiska ay kula wareegeen Dekadda Berbera.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan meel mariyay heshiis Shirkada DP World dalka looga mamnuucayo, kadib markii shirkadan heshiisyo aysan dowlada wax ka ogeyn la gashay maamulo dalka ka jira.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -