Lacag aan caadi aheyn oo laga helay guriga Madaxweynihii hore ee Sudan

Xeer ilaalinta dalka Sudan ayaa bilowday baaritaan uu ku sameynayo Madaxweynaha xilka laga tuuray Cumar Xasan Al-Bashiir, kaasoo loo haysto eedeymo ah inuu si sharci-daro ah lacago u haystay lacago badan.

Guddiga la dagaalama musuqmaasuqa ee uu sameeyay goblaha milateriga ayaa sheegay in ciidammada ammaanku ay soo heleen lacago Euros, doolar iyo pound-ka Suudaan isugu jira oo wadartoodu ay ka badan tahay 130 milyan oo dollar.

Lacagtaas ayaa haatan waxaa lagu shubay Bangiga Dhexe ee dalkaasi Sudan.

Mr Al-Bashiir ayaa la dhigay xabsi kaddib markii xilka laga qaaday 9 maalmood ka hor kaddib bilooyin ay socdeen dibadbaxyo isaga loogaga soo horjeeday.

Sidoo kale al-Bashiir waxaa laga doondoonayaa Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ee loo soo gaabiyo ICC, taasoo u haysata eedo ah inuu galay dambiyo dagaal iyo inuu xasuuq gaystay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -