Kheyre iyo Axmed Madoobe oo kulan Xasaasi ah ku yeeshay Kismaayo

Wararka aan ka heleyno magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in xalay kulan albaabada u xirnaayeen wada qaateen Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.

Xubno qeyb ka ah safarka Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa laga soo xigtay in kulanka muhiimadiisa looga hadlay sidii xal looga gaari lahaa khilaafkii u dhaxeeyay Dowlada Federaalka iyo Maamulka Jubbaland.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo Axmed Madoobe ayaa kulankii xalay yeesheen oo ahaa mid horu dhac ah la sheegay in ay isku fahmeen qodobada qaar, waxaana la filayaa in maanta mar kale kulamo kale yeeshaan.

Xasan Cali Kheyre ayaa horey u sheegay in la xalin doono tabashada ay qabaan Jubbaland, lamana oga sida dowlada Federaalka ku xalin karto ayna ku kasban karto kalsoonida Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo ah Hogaamiye mayal adag.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka socda shirar iyo wadatashiyo ay leeyihiin Masuuliyiinta ka socota dowlada Federaalka iyo maamulka Jubbaland, waxaana la filayaa in magaalada ka dhacaan munaasabado waa weyn oo soo dhaweyn.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Kismaayo u tagay sidii loo dhameyn lahaa khilaafkii u dhaxeeyay Maamulka Jubbaland iyo Dowlada Federaalka, lamana oga in dowlada Axmed Madoobe ka taageeri doonto doorashada ama ku qancin doonto in uusan taramin.

Waxii Warra ah ee kusoo kordha kulamada Kismaayo ka socda kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -