Madaxweyne Deni oo qaabilay wafdi uu horkacayo Sacad Muhanna (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabiley wafdi ka socdey hay’adda Samafalka ee Boqor Salman oo uu hogaaminayey Maamulaha Afrika ee hay’adda Sacad Muhanna.

Kulanka uu Madaxweyne Deni la qaatay Madaxda Hay’adda Samafalka ee Boqor Salmaan ayaa waxaa ku wehelinayey Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Jaamac Faarax Xasan, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Seyid Cumar Guuleed, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Cabdirisaaq Xirsi Xasan Cali, Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Puntland Cabdinaasir Biixi Soofe iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Hay’adda Samafalka ee Boqor Salmaan ayaa ujeedka socdaalkoodu ahaa mashaariic horumarineed oo ay Puntland ka hirgelindoonaan, mashaariicdaasi waxaa ugu horeeya dhismaha xarunta mashiinka lagu sifeeyo Kelyaha (Dialysis Machines) oo ay horey uga codsatey Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland iyo ka qayb qaadashada dhismaha iyo dayac tirka cisbitaalka Caasimadda Garoowe.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan ayaa ka warbixiyey kulanka.

“Waxaanu kulan kula yeelanay Madaxtooyada  Puntland Hay’adda khayriga ah ee Boqor Salmaan, waftigaasi waxa ay u socdeen ka qayb qaadashada horumarinta caafimaadka, mashruuca ugu weyn oo ay hada khaaska ugu socdeen waxaa uu ahaa mashruuc lagu dhisayo meel kelyaha lagu mayro meeshaas oo ah meel aad loogu baahan yahay, waxaan ku heshiiney in sida ugu dhakhsiyaha badan u dhisi doonaan xarun kelyaha lagu mayro.

“Sidoo kale waxaa ku heshiiney marka xaruntaas la dhameeyo in laga dhisi doono kuwa la mida magaalooyinka kale ee Puntland” ayuu yiri wasiirka Caafimaadka Dr. Jaamac Faarax Xasan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -