Dabley dhowaan dil ka geysatay Magaalada Boosaaso oo la xukumay

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa maanta xukun dil ah ku ridday afar nin oo loo haysto dilka ganacsade todobaadkii hore lagu dilay magaalada Boosaaso.

Cabdifitaax Axmed Xassan, Daahir Dalmar Saalax, Farxaan Siciid Yuusuf & Maxamed Cabdiraxmaan Maxamuud ayaa dil toogasho ah lagu xukumay kadib markii lagu helay dilka ganacsade Salaad Cabdi Cukaash sida uu sheegay garsooraha Maxkamada.

Waxaa uu intaas ku daray in rasaasta ku dhacday ay iyagu rideen ayna doonayeen inay dhac mobile u geystaan shakhsiga ay dileen

Garsooraha ayaa ugu dambeyntii gacan ku dhiigleyaasha ku wargeliyay inay haystaan 30 cisho oo ay rafcaan kaga qaadan karaan xukunka dilka ah ee lagu riday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -