Diyaarad Rakaab oo ku bur burtay Moscow iyo Dad badan oo ku dhintay (Daawo Sawirada)

Diyaarad nuuca rakaabka qaada oo ay laheyd Shirkada diyaaradaha Saratov ayaa ku bur burtay meel ku dhaw magaalada Muscow , waxaana diyaaradan bur burtay nuuceedu ahaa Antonov-148 .

Sida ay ku warantay Wakaalada Wararka dalka Ruushka diyaaradan bur burtay waxaa saarnaa 71-qof oo 6 kamid ah ahaayeen shaqaalaha diyaarada , waxaana wararka soo baxaya sheegayaan in dhamaan dhinteen dadkii diyaaradaasi saarnaa.

Diyaaradan ayaa ka duushay garoonka diyaaradaha Domodedovo ee magaalada Moscow waxa ayna kusii jeeday magaalada Orsk oo kutaala xadka Ruushka uu la wadaago dalka Kazakhsta.

Kooxaha gurmadka deg dega ayaa gaaray halka diyaaradu ku dhacday oo kutaala meel 8-km u jirta magaalada Moscow ee Caasimada dalka Ruushka, waxaana xaalad murugo ah ku sugan ehelada dadkii saarnaa diyaarada bur burtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -