Xildhibaan kamid ahaa Xubnihii lagu casuumay Shirka London oo diiday in uu ….

Waxaa beri oo khamiis ah kuna beegan 7-da bisha Febraayo lagu wadaa in magaalada London uu ka dhaco shir shaki badan laga muujiyay ay soo qaban qaabisay Wasaarada Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya.

Shirkan ayaa la sheegay in uu yahay mid lagu xaraashayo shidaalka Soomaaliya, waxaana shirkan ka qeyb galaya shirkado la sheegay in la siinayo leesinka xaraashka shidaalka Soomaaliya sida ay tilmaameen siyaasiyiin iyo masuuliyiin kala duwan.

Guddoomiyaha guddiga Bay’adda iyo Kheyraadka dabiiciga ah ee golaha shacabka Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed (Gama’diid) oo kamid ahaa Xubnihii dowlada ku matali lahaa shirkaasi ayaa iska diiday in uu ka qeyb galo shirka beri furmaya.

Xildhibaanka ayaa sheegay in arimo isaga u gaar ah darteed uu uga baaqsaday shirkaasi in uu uga qeyb galo, waxa uuna sheegay qabsoomida shirkan in uu yahay mid laga hordhacay ayna jireen wax badan oo muhiim ahaa kahor in la qabto.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka in shirkaasi ka shaqeyntiisa ay leedahay Wasaaradda Batroolka, waxa uua xusay in Wasaaraddu u sheegtay in  uu yahay mid lagu beec geynayo macluumaadkii laga aruuriyay Xeebaha Soomaaliya ee Kheyradka Shidaalka.

Xildhibaan Yuusuf Xuseen ayaa sheegay in Wasaarada ay beenisay wararka soo baxaya ee sheegaya in shirka lagu xaraashayo shidaalka Soomaaliya, waxa uuna tilmaamay in ay ka war sugayaan natiijada shirkaasi kasoo baxda.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in Xildhibaan Yuusuf Xuseen iska diiday in uu ka qeyb galo shirka London kadib markii uu ogaaday Ujeedka Shirka iyo waxa ay Wasaarada Batroolka dadku u sheegeyso ay kala duwan yihiin.

Shirkada ka dhacaya magaalada London ee la sheegay in lagu xaraashayo shidaalka Soomaaliya ayaa dad badan shaki ku abuuray ,waxaana dad badan ay war dhoorayaan waxa kasoo baxa shirkan beri furmi doona.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -