Taliyaha Xoogga dalka oo la kulmay Saraakiil uu horkacayey Gen. Esa Pulkkinen (Sawirro)

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Gen. Esa Pulkkinen oo ah Madaxa EU-TM u qaabilsan Arimaha Soomaaliya.

Jen. Indhaqarshe Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ayaa sheegay in ujeedada uu u yimid Gen.  Esa Pulkkinen Soomaaliya ay tahay waxqabadka Midowga Yurub ee Soomaaliya ka wado inuu ogaado Maadama Mudo labo sano ah lagu kordhiyay howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Taliyaha iyo saraakiila midowga Yurub ayaa waxay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa taageerada Midowga yurub ay siiso Ciidamada Soomaaliya.

Indhaqarshe ayaa u mahadceliyay tababarada Midowga Yurub ay siiso Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, isagoo ka codsaday iney sii xoojiyaan taageeradaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -