Boqor Salman oo soo saaray amar ka farxiyey Shaqaalaha dowladda Sacuudiga

BoqorKa Sucudi Carabiya boqor Salmaan Bin Cabdalla, ayaa amar ku bixiyay in mushaharka shaqaalaha dowlada lagu kordhiyo bil kasta in ka badan 260 doolar laga bilaabo sanadka soo scocda.

Talaabadan ayaa lagu caawinayaa dadka ay ku adkaatay maciishada caadiga ah, taasi oo ka dhalatay sare u kaca qiimaha shidaalka iyo kordhinta canshuuraha.

Boqortooyada Sucudi Carabiya ayaa aad u laba jibaartay sicirka shidaalka ee gudaha Sucudi Carabiya, waxaana lagu soo rogay inta badan alaabaha ay ka mid ka yiiin raashiinka iyo adeeegyada kale canshuur gaareysa boqolkiiba 5%.

Sacuudia Arabiya waxay dooneysa inay yareyso ku tiirsanaanta shidaalka ee dalkeeda, kaddib markii uu dhawaan aad u sabeeyay sicirka shidaalka ee suuqyada caalamka.

Amarka boqorka ayaa lagu sheegay in muwaadiniinta isticmaala adeegyada gaarka ah sida caafimaadka iyo adeegyada waxbarasho ay dowladdu ka caawin doonto bixinta canshuuraha.

Sidoo kale ciidamadda milatariga ee jiida hore uga jira dagaalka ka soconaya Yamen ee ka dhanka Xuutiyiinta ayaa sidoo ayaa kun dollar askarigiiba loo qoondeeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -