Ra’isul Wasaare Kheyre oo lagu dhaliilay Qoraal uu soo dhigay barta Twitterka

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa siyaabo kala duwan uga fal celiyay qoraal tacsi ah uu Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu soo dhigay bar uu Twitterka ku leeyahay saacado badan kadib qaraxyadii lagu weeraray Hotelka Saxafi.

Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa saacado badan kadib ka tacsiyadeeyay dadkii tirada badnaa ee ku dhintay qaraxyadii shalay, waxa uuna Ra’isul Wasaaraha faray laamaha amaanka in ay dar dar galiyaan sugitaanka amniga.

Kheyre ayaa Qoraalkan soo dhigay Twitterka ”Waxaan tacsi u dirayaa ehelada dadkii ku geeriyooday qaraxa ay argagixisadu la beegsadeen dadkeenna. Sidoo kale waxaan caafimaad u rajeynayaa dhaawacyada. Hay’adaha amniga waxaan farayaa dardargelinta fulinta qorshaha amniga caasimadda ee ku xusan Tubta Amniga iyo Caddaalada.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa siyaabo kala duwan uga fal celiyay qoraalka Ra’isul Wasaaraha, waxa ayna dadka qaar ku dhaliileen in Ra’isul Wasaaraha saacado badan ku qaadatay in uu ka tacsiyadeeyo qaraxyada dadka badan ku dhinteen.

Waxaa sidoo kale dadka aragtida ka dhiibtay Qoraalka Ra’isul Wasaaraha u sheegeen in aan loo baahneyn tacsi iyo cambaareyn balse loo baahan yahay in fal celin la sameeyo sidoo kale masuuliyada qaraxyada dadku ku dhamaadeen la helo cid qaadata.

Ra’isul Wasaaraha ayaa dadka qaar weydiiyeen halka uu ku dambeeyay isla xisaabtankii uu horey u sheegay in uu jiri doono hadii ay dhacaan falal amaan daro, waxa ayna ugu baaqeen R/Wasaaraha in dowladu la timaado qorshe amaanka shacabka lagu sugi karo.

Dadkii Qoraalka Ra’isul Wasaaraha aragtiyada ka dhiibtay ayaa sidoo kale ku dhaliilay dowlada Soomaaliya in saacado badan ku qaadato in ay ka hadlaan qaraxyada iyo dilalka dalka ka dhaca halka ay si deg deg ah uga hadlaan dhacdooyinka kale ee dibada ka dhaca.

Qaraxyadii xooganaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho waxaa ku dhintay dad ka badan 30-qof oo shacab ah halka tiro ku dhaw 50 qof oo kalana ku dhaawacmeen kuwaa oo lagu daweemayo isbitaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -