Maxay ka wada hadleen agaasime Koofi iyo dhigiisa dowlada Kenya? (Daawo Sawirro)

Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Koofi ayaa maanta Magaalada Nairobi kula kulmey dhiggiiisa dalka Kenya, kadib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay.

Kulanka oo ay sidoo kale ka qeyb galeen saraakiil sare oo ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya ayaa looga hadley Isku-socodka dadka ee labada dalka, Tahriibka, Isdhaafsiga xogaha iyo khibradaha, waxaana la isla qaatay in iskaashi joogta ah laga yeesho arrimahaasi.

Agaasimaha socdaalka Kenya ayaa u xaqiijiyey agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya in Kenya diyaar u tahey iskaashi dhinaca socdaalka, waxaana joogto noqon doona kulamada iyo booqashooyinka labada dhinac.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa leh xuduud dhinaca dhulka ah oo aad u dheer iyo sidoo kale duulimaadyo toos isugu gudbo maalin kasta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -