Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii u dambeeyey dagaal culus oo ka socda deegaanka Baarsanguuni

Ciidanka xoogga dalka qaybta 43-aad iyo kuwa Jubbaland ayaa sheegay iney fashiliyeen weerar al shabaab ay doonayeen inay ku qaadaan deegaanka Baarsanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiisha Ciidamada Qaranka ayaa sheegay iney u suura gashay inay ka hor tagaan weerarka oo xogtiisa la sii hayey.

“Waxaa weli socda howlgalkaas oo looga dilay dhagarqabayaal badan, kuwaasoo meydadkooda ay goobta daadsan yihiin” ayuu yiri sarkaal ka tirsan xoogga dalka o qeyb ka ah howlgalkaas.

Sawirro laga soo qaaday meydadka xubno ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay howlgalkaas iyo maxaabiis nolosha lagu soo qabtay oo ay ku jiraan caruur hubeysan ayaa lagu faafiyey baraha bulshada.

Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka qaybta 43-aad iyo kuwa Jubbaland ayaa sheegay iney saacadaha soo socda faahfaahin buuxda ka bixin doonaan howlgalkan.

Related posts

Madaxtooyada oo War kasoo saartay Shirkii Maanta ka furmay Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Al-Shabaab oo nin 70 jir ah ku toogatay fagaare ku yaalla degmada Tayeeglow

Caydiid Ali

(Akhriso) Guddiga doorashada K/Galbeed oo dalab xasaasi ah u diray Laftagareen

Caydiid Ali
Taboola Ads ---