Booliiska Muqdisho oo qabtay burcad iyaga dhac geesanaya CCTV kaamira duubtay (Sawirro)

Ciidanka booliiska ee ka howlgala gobolka Banaadir ayaa ku guuleestay in ay gacanta ku dhigaan burcad hubeysan oo lagu eedeeyay in dad shacab ah dhac iyo dhibaatooyin kalaba xalay ugu geesteen degmada Wartanabadda.

Burcadan hubeysan oo mid kamid ah xirnaa dareeska ciidanka dowladda sidoo kale watay qoray AK-47, ayaa waxaa duubtay kaamirada qarsoon ee CCTV , xilli ay dhac ka geesanayeen xaafad katirsan degmada Wartanabada.

War kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in xalay abaaro 11:30 Habeenimo gacanta ku dhigeen burcad hubeysan oo kamid ah kuwa dadka shacabka ah baarta, waxaana burcadan iyo mootadii ay wateen gacanta ku haya ciidamada booliiska.

Ciidamada booliiska ayaana burcadan ay qabteen ka qaaday dhowr moobeel oo ay kasoo dhaceen dad shacab ah, waxa ayna booliiska xuseen in burcadan la horgeyn doono caddaaladda si loogu qaado ciqaabta dambiyada ay galeen.

Kaamirooyika qarsoon ee loo yaqaan CCTV ayaa sahlay in la aqoonsado lana soo qabto burcada dhaca u geesata dadka shacabka ah iyo goobaha ganacsi, waxa ayna booliiska marar badan soo qabteen burcad dilal iyo dhibaatooyin kalaba u geestay shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -