Qarax gaari dameer lagu soo xiray oo lagu weeraray ciidan ka tirsan Boliska Kenya

Gaari dameer lagu soo xiray bam ayaan shalay ku qarxay bar kontorool oo ku taalla xuduudka Kenya iyo Soomaaliya, waxaana ku dhintay hal askari oo ka tirsan booliska Kenya afar kalena way ku dhaawacmeen, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Warbixin ka soo baxday Booliska Kenya oo ay aragtay Wakaalladda Wararka AP, ayaa lagu sheegay in Gaariga uu watay Labo Dameer uuna la socday Nin uu ka gudbay Koontaroolka ay Soomaalidu ku leedahay Buula Xaawo, kadibna uu galay Dhulka Kenya, halkaasoo ay ku joojiyeen Askarta si ay u hubiyaan rarka saaran.

Wararka ayaa intaa ku daraya in ninkii waday uu ka booday gaari dameerka oo uu dib ugu soo laabtay xadka Soomaaliya daqiiqado ka hor inta uusan gaarigu qarxin,taasoo keentay in dab xoogan uu ka kaco xadka dhanka waqooyi ee Mandheera.

Warka ayaa lagu sheegay in ninkii waday Gaari dameerka ay marki dambe xireen Ciidamada Booliska Soomaaliya, xilli uu doonayay inuu baxsado, waxaana la sheegay in Ciidamada Ammaanka ee Degmada Mandheera ay kala xaajoodeen Booliska Buula Xaawo in ninkaas lagu soo wareejiyo Maamulka Kenya.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka, balse Al-Shabaab, oo ah koox fadhigeedu yahay Soomaaliya, xiriirna la leh Al-Qaacida ayaa la aaminsan yahay iney ka dambeysay.

Xarakada Al-shabaab ayaa wacad ku martay inay ka aargudan doonto Kenya ciidamadeeda u soo dirtay Soomaaliya sannadkii 2011-kii si ay ula dagaalamaan Al-shabaab. Kooxdan ayaa gudaha Kenya ka geystay afduubyo xiriir ah oo loo geystay dad reer galbeed ah oo khatar ku ahaa dalxiiska dalka; tiirka muhiimka ah ee dhaqaalihiisa.

Ciidamada Kenya ayaa qeyb ka noqday howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee xoojiyey dowladda Soomaaliya oo dagaal kula jirta Al-Shabaab. Hawlgalka Midowga Afrika ayaa sannadkii hore bilaabay dhimista ciidamadooda, iyadoo la raacayo qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ahaa in gacanta dowladda Soomaaliya lagu soo celiyo.

Sanadihii la soo dhaafay, weerarrada Al-Shabaab ee Kenya waxa ay ku koobnaayeen qaraxyo miinooyinka lagu aaso oo inta badan lala beegsado ciidamada Milateriga iyo Booliska. Isniintii, shan askari oo booliis ah ayaa ku dhaawacmay ka dib markii gaari ay wateen uu haleelay qarax miino oo wadada dhinaceeda lagu aasay oo marayey deegaanka Lafey Mandera.

- Advertisement -