Xoghaye Blinken oo Raisul Wasaare Netanyahu kala hadlay labo qodob oo xasaasi ah

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay in laga fogaado waxyeello kale oo rayidka soo gaarta iyo ilaalinta kaabayaasha rayidka ee Gaza ka dib kulan uu kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu iyo golaha wasiirrada dagaalka ee Tel Aviv Talaadadii maanta, sida lagu sheegay war ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wadahadlay soo jeedin ka timid Wasiirka difaaca Israa’iil Yoav Gallant – oo sidoo kale xubin ka ah Golaha Wasiirrada dagaalka – kaasoo sheegay in Israa’iil aysan u oggolaan doonin Falastiiniyiinta inay ku noqdaan waqooyiga Gaza ilaa dhammaan la haystayaasha haray la sii daayo.

Blinken iyo Netanyahu waxay ka wadahadleen dadaallada socda ee lagu xaqiijinayo sii deynta dhammaan la haystayaasha harsan iyo muhiimadda ay leedahay in la kordhiyo heerka gargaarka bini’aadantinimo ee la gaarsiiyo dadka rayidka ah ee Gaza,.

Kulanka uu la qaatay madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog ayaa sidoo kale looga hadlay isla arrimahan, isagoo ku celceliyay taageerada Mareykanka ee Israa’iil iyo xaqqa ay u leedahay in ay hubiso weerarradii 7-dii Oktoobar inaan dib loo soo celin.

Ka hor inta uusan la kulmin mas’uuliyiinta Israa’iil, diblumaasiga ugu sarreeya Mareykanka, oo socdaal ku maraya Bariga Dhexe, ayaa sidoo kale la hadlay Sigrid Kaag, Isuduwaha Sare ee Bini’aadantinimada iyo Dib-u-dhiska ee Qaramada Midoobay ee Gaza, “isagoo ballan qaaday inuu iskaashi dhow kala yeelanayo arrintan..

 

 

- Advertisement -