Israel oo qiratay askartii ugu badneyd oo Gaza looga dilay saacadihii la soo dhaafay

Ciidamada Difaaca Israa’iil  ayaa sheegay in toban askari lagu dilay dagaallo ka dhacay Qaza Sabtidii, iyadoo jimcihiina la dilay shan kale taasoo ka dhigaysa qaar ka mid ah maalmihii ugu dhimashada badnaa ciidamada Israa’iil tan iyo markii uu dagaalka billowday.

Tobanka askari ee la dilay Sabtidii, shan ka mid ah ayaa lagu dilay koonfurta Gaza, afar kalena waxaa lagu dilay bartamaha Qaza, midna waxaa lagu dilay waqooyiga Qaza, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay IDF.

Tani waxay ka dhigeysaa tirada guud ee askarta israel ee lagu dilay weerarka dhulka Gaza 153 sida ay iyagu sheegteen inkastoo la aaminsan yahay in khasaaraha uu intaas ka badan yahay

Israel ayaa balaarisay howlgalada dhulka ee ciidamadeeda ay ka wadaan koonfurta iyo waqooyiga marinka Gaza, waxaana ay galeen dagaalo ba’an dhamaadkii isbuucaan sida uu sheegay afhayeenka ciidamada Israel Daniel Hagari

Wasiirka difaaca Israa’iil Yoav Gallant ayaa sheegay in hadafyada hawlgalka Israa’iil ee waqooyiga Gaza ay wax yar ka dhiman yihiin in la xaqiijiyo ayna diiradda hawlgallada millatari u wareegi doonaan koonfurta mustaqbalka.

Israa’iiliyiinta ayaa horey u sheegay in waqooyiga Qaza ay gacanta ku hayaan hase ahaatee maalin walba askar ayaa halkaas looga dilaa, sidoo kale gantaalada laga soo rido Gaza ee ku wajahan Israa’iil ayaa halkaas laga soo ridaa, waxayna arrimahaas meesha saareen sheegashada Israel.

“Shan Askari ayaa la dilay Jimcihii, siddeedna Sabtidii, waxay Ciidanka Israa’iil ee Gaza u ahayd todobaad adag” ayuu yiri Wasiirka

Tan iyo markii ay qaadeen weerarka dhulka, khasaaraha Israel ayaa sii kordhayay. Horaantii bishaan, sagaal askari oo Israel ah ayaa lagu dilay hal weerar oo ka dhacay waqooyiga Qaza.

Ugu yaraan 20,258 qof ayaa lagu dilay Gaza tan iyo 7-dii Oktoobar, iyadoo 53,688 qof oo kalena lagu dhaawacay, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho ee Gaza Sabtidii.

 

 

 

 

- Advertisement -