Iran: “Maraykanka ma awoodaan inay Israel ka badbaadiyaan Duufaanta Al-Aqsa”

Jamhuuriyadda Islaamiga ee Iran ayaa si kulul uga hor timid taageerada milliteri oo ay dowladda Maraykanka la garab taagan yihiin maamulka Israel oo ay ku socdaan Dagaalka kooxda gobannimo doonka ah ee Xamaas.

Taliyaha ciiddanka ilaalada Kacaanka Iran , Sareeye Gaas Xuseen Salami ayaa xaqiijiyey inaysan Israel sii ahaan doonin siday horey ahaan jirtay, isla markaana uu dhamaaday xilligii cabsida iyo haysashada Israel.

Waxa uu boggaadiyey taliyaha Ilaalada Kacaanka Iran geesiyaasha Falastiin ee casharka u dhigay Askarta Sahyuuniyada Israel, isla markaana cabsi la’aan gacanta ugu dhigeen askar iyo dad badan oo Yahuud.

“Waxaan u hambalyeynayaa hawlgalka duufaanta Al-Aqsa ee kooxaha mukhaawamada Falastiin ee khasaaraha culus u geystay Israel” ayuu yiri Taliyaha Ciiddanka Ilaalada Kacaanka Iran (I Sareeye Gaas Xuseen Salami .

Waxa kale oo uu xusay inaysan Maraykanka awoodin doonin inay Israel sii badbaadiyaan, oo Xilligan ka Tabar yar sidii ay ahaan jireen.

Dhanka kale, Taliyaha Ciiddanka Ilaalada Kacaanka Iran waxa uu hoosta ka xariiqay inuu Allaah SWT lafdhabar u yahay Mukhaawamada iyo inay Awooda Israel hoos u dhacdo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -